![]() |
|||
|
|
||||||||
|
||||||||
|
Ururka Wacyigelinta
Banaadirta Cusub (UWBC) Ujeedo: Taageero Mowqifka Waxgaradka Beesha Mudulood
Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan xoogaga ku abtirsada beesha mudulood in ay dhowraan danaha iyo midnimada beesha kana fogaadaan falalka keeni kara dagaalo ka dhaca deegaanadooda oo dhibaato u horseeda bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka. Ururku wuxuu ugu baaqayaa xoogaga huwanta ah ee aan ku abtirsan beesha mudulood in ay iskaga baxaan deegaanada beesha kana waantoobaan dhibaatada ay ku hayaan deegaanka. Marnaba looma dulqaadan karo xasuuqa, barakaca, dhaca iyo boobka ka socda deegaanka mudulood oo ay geysanayaan xoogaga huwanka ah ee iskaga yimid daafaha dalka oo dhan. Ururku wuxuu ku baaqayaa in loo hogaansamo go'aanada ka soo baxay waxgaradka beesha mudulood, lagana fogaado shaqaaqada colaadeed ee laga oogayo deegaanka beesha mudulood.
|
|
|||||||
|
home - objectives - about us - history |
||||||||