![]() |
|||
|
|
||||||
|
||||||
|
WAR SAXAAFADEED Ururka Wacyigelinta Banaadirta Cusub (UWBC) April 21, 2006 Ujeedo: Baaq Nabadeed Ururka Wacyigelinta Banadirta Cusub (UWBC) wuxuu u soo jeedinayaa Maxaakiimta Hubeysan iyo Hogaamiye Kooxeedyada ku dagaalamaya magaalada muqdisho, inay colaada joojiyaan, nabadana fursad siiyaan. Bulshoweynta Banaadir, gaar ahaan reer Muqdishu, waa ka daaleen dagaalo huwan ah oo hadba magac loo adeegsado. Dagaaladaas oo dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed ummada baday, haddana xiiso uma qabaan dagaal cusub. Ururku wuxuu u arkaa dagaalka laga hurinayo magaalada Muqdishu, mid laga leeyahay dano siyaasadeed oo aan marnaba dani ugu jirin dadka iyo deegaanka Banaadir. Ururku wuxuu soo jeedinayaa in labada dhinac ee iska soo horjeedaahi khilaafkooda ku dhameeyaan hab nabadeed.
|
|
|||||
|
home - objectives - about us - history |
||||||