- Horumarka
- history
- News
- Events
- Opinion
- Suugaan

 

WAR SAXAAFADEED

Ururka Wacyigelinta Banaadirta Cusub (UWBC)
New Banadir Advocacy Group (NEBAG)
http://www.newbanaadir.com

April 02, 2006

Ujeedo: Qaabdhismeedka Maamulka Gobalaka Banadir

Waxaa cadeyn mudan in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada
Mugadisho Muddane Mohamud Hassan Cali Gaabow "Cadde", uu yahay nin u
dhashay deegaanka, mudanna in uu hogaamiyo ummaddiisa, balse waxaa nala qaldan in ay dib u soo doortaan dad deegaanka iyaguba marti ku ah oo aan ka tarjumeyn rabitaanka beelaha deegaanka ku abtirsada.

Ururka Wacyigelinta Banaadirta Cusub kadib markii uu darsay wadada loo
maray qaab dhismeedka Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir, wuxuu go'aansaday in golahaasi yahay wax aan sinnaba loo qaadan Karin, oo meel ka dhac ku ah sharafka iyo maamuuska bulshoweynta deegaanka Banaadir.

UWBC wuxuu u arkaa in Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir uu yahay xeelad
cusub oo lagu marin habaabinayo bulshada ku dhaqan Gobalka Banaadir, si
looga duudsiyo aaya ka talinta deegaanadooda. Waxaa xusid mudan in
gobolka Banaadir yahay gobolka kaliya ee lagu qeybsaday 4.5 xubnaha
maamulkiisa, taas oo aan loo cuskan wax sharci ah.

Haddaba waxaa cadaan ah in dhismaha golahani uu huwanyahay siyaasad
dahsoon oo lagu fulinayo dano gaara, ujeedo aad u fogna laga leeyahay.
Abuurista golahani waa caqabad cusub oo ku soo korortay xaaladda gobalka oo awelba horey u murugsaneyd.

UWBC Wuxuu ku talinayaa in laga waantoobo dibindaabyooyinka lagu haayo
gobolka, farahana ay kala baxaan dadka deegaanka martida ku ah.

Mahadsanidiin,


C/naasir M. Hussein
Guddoomiyaha Ururka Wacyigelinta Banaadirta Cusub

home - objectives - about us - history