Uruka

Ururka Wacyigelinta Banadirta Cusub. NEBAG waxaa la aas
aasay bishi nofember sanadki 2005ta si laysugu xiro dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda degaanka Banaadirta cusub (Shabelada/hoose, Banaadir, Shabeellada/Dhexe, iyo Mareeg ) oo ku nool dunidaan daafaheeda, si ay ugu howl galaan sidii ay hurumar dhinac walba ah ugu soo dabbaali lahaayeen dadka iyo deegaanka ay ka soo jeedaan.

Xubinta
Uruka Wacyigelinta Banaadirta Cusub waxaa xubin ka noqon kara qofkasta oo u dhashay Gobolka Banaadirta Cusub ayna ka go'antahay hurumarintiisa, dib udhiskiisa, nabadayntiisa iyo wacgelintiisa. Xubintu waa inuu ka ahaadaa xor danaha shaqsiyeed mid jufo iyo mid kooxeedba una siman yihiin dhammaan dadka deegaanka Banaadirta Cusub ku nool.

Xuquuqda xubinta
1) Xubintu waa la dooran karaa waxna waa dooran kartaa.
2) Xubintu waxay xaq u leedahay ka qayb galka shirarka ururka.
3) Xurbintu waxay xor u tahay soo jeedinta fikirkeeda.


Xubinta xaqqa lagu leeyahay
1) Xubintu waa inuu bixiyo khidmada sanadlaha ah.
2) Xubintu waa in uu si firfircoon ugu howl galo uruka.
3) Xubintu waa inuu ilaaliyo ku dhaqanka xeerka uruka.


Taageeraha Guud Ururka
Uruka Wacyigelinta Banaadirta Cusub waxaa taageeri kara:
1) qofkasta oo aaminsan fikradaha uu ururku u taagan yahay balse aan xubin ka ahayn ururka.
Ururku wuxuu soo dhaweynayaa si Alla iyo sidii uu taageeruhu uga qayb qaadan karo howlaha ururka ha noqoto mid maadi ama maal.


 

home - objectives - about us - services