- Horumarka
- history
- News
- Events
- Opinion
- Suugaan
- Qoraalo

 

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Oo Maanta Dhagax Dhigay Sameynta Kanaal Weyn Oo Laga Hirgalinayo Deegaanka Oobaale.


April 15th 2006 Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha Dhexe Md: Maxamed Cumar Xabeeb 'Maxamed Dheere ayaa Maanta Dhagaxii u Horeeyay Dhigay Dhismaha Kanaal Cusub oo laga Jeexayo Tuulada Oobaale kaasoo u baxayo Dhanka Bari ee deegaankaasi.

Kanaalkan oo la sheegay in dherekiisu la gaarsiinayo ilaa 20.Km ayaa waxaa ka faa'iideysanayo Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka shabeelaha dhexe kuwaasi oo aanan waligood helin beero waraab ah marka aga reebo xiliyada Roobka oo ay tacban jireen beerahooda.


sidoo kale kanaalkan ayaa waxaa ka faa'ideysanayo xoolaleyda Tuulooyin dhow ah oo dhibaatooyin badan iyo masaafo fog u jirtay halka ay xoolahoodu ka biyo siin jireen, deegaanada ilaa iyo haddaqorsahahoodu la sheegay in la gaarsiinayo ayaa waxaa ka mid ah Tuulooyinka Cali Fooldheere,Caadley, Quracle Ceel Jiifyare, Caday Dheere, Meera Caruud,Dacaar iyo kuwa kale oo la sheegay in iyana la gaarsiinayo marka lagu guuleysto wajiga hore ee kanaalkaasi

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Nabadgelyada Gobolka Shabeelaha Dhexe Nabadoon cali Shiikh Yuusuf oo ka hadlay munaasabada Dhagax dhigaasi ayaa sheegay in kanaalkan uu wax weyni ka tarayo faa'iidada Xoolaha Nool iyo wax soo saarka Beeraha oo uu sheegay labaduba in aysan khiimo laheyn hadii aanay helin Biyo ku filan.

sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadla wakiilka beeraha Md. Cusmaan Xaaji Caqiil oo sheegay in kanaalkan uu Maamulka Gobolka hirgalinayo in ay tahay talaabo ku dayasho mudan oo looga baahanyahay Beeraleyda iyo Xoola Dhaqatadaba in ay iyaguna ku dhiiradaan sidii ay talaabo horay ugu khaadi lahaayeen.

Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha dhexe Md: Maxamed Cuimar Xabeeb "Maxamned Dheere" oo gabagabadii munaasabadaasi hadal gaaban ka jeediyay ayaa u mahadceliyay beesha Kaboole ee degan deegaanka Oobaale oo iyadu Ogolaatay in kanaalkaasi laga jeexo deegaankeeda.


Mahadsanidiin
Ururka Wacyigelinta Banaadirta Cusub
Toronto, Canada

home - objectives - about us - history