![]() |
|||
|
|
||||||||
|
||||||||
| GUDOOMIYAHA
DEEGAANKA Xamar IYO XAMARDAYE macallin Xaashi Max'ed Faarax oo digniin
culus soo saaray
Macallin Xaashi Max'ed Faarax Guddoomiyaha deegaanka Xamar iyo Xamardaye wuxuu sheegay in maalmahan dambe ay soo if baxeen kooxo dhowr ah oo ka qowleysta deegaanada ay deggan yihiin dadka marrasta ah isla markaana la daba jooga wax loogu yeeray sharciyeyn iyo cabbir sharci darro ah iyo lacag loogu yeeray bood-jebis oo dadkii deegaanka lagu barakicinayo, loogalana wareegayo deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaasoo ay haatan ku howlan yihiin dad uu ugu yeeray dalaaliin damiirlaawayaal ah oo aan la garaneyn waxa ay ka damacsan yihiin arrintaas. "Ma dooneyno inaan noqono sidii shacabka Reer Falastiin oo ay Yahuuddu barakicisay, waxaana leenahay deegaan Barwaaqo ah oo ka duwan deegaannada kale, sidaas darteed ma ahan inaan lacag false ah dhaafsiisano hantideena ma guurtada ah" ayuu yiri Macallin Xaashi Max'ed Faarax oo dhinaca kalena uga digay dadka ku howlan arrintaasi inay faraha kala baxaan, dadka iska leh deegaankana waxa uu ugu yeeray inaanay deegaanadooda ku qasaarinin lacag false ah oo aan meelna gaarsiineyn. Macallin Xaashi guddoomiyaha deegaanka Xamar iyo Xamar-daye waxa uu canaan kulul u jeediyay dadka arrintaasi garwadeenka ka ah inay faraha kala baxaan haddii kale tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, dhinaca kale Macallin Xaashi wuxuu sheegay in maalmahan dambe ay soo if baxeen kooxo caadeystay inay qashinka iyo lafaha ku soo fogeeyaan deegaanka Xamardaye iyagoo gaadiid ku soo daabulaya, kuna daadinaya habeenkii, taas ciddii lagu helo ayuu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan, wuxuuna ugu baaqay dadka qurbaha ku nool ee ku abtirsada deegaanadaas inay gacan ka geystaan arrintaas. Dhinaca kale Macallinku wuxuu si gaar ah baaqan digniinta ah ugu jeedinayaa dadka deegaanka Xamar iyo Xamardaye isagoo hoosta ka xarriiqay in ciddii arrintaasi ku lug yeelata ama gacanta ku siisa howshaasi dalaaliinta xaaraanta ah in maamulkiis uu tallaabo sharci ah ka qaadi doono, ayna muteysan doonaan ganaax iyo xarig. |
|
|||||||
|
home - objectives - about us - history |
||||||||