- Horumarka
- history
- News
- Events
- Opinion
- Suugaan
- Qoraalo

 

GOLAHA DEEGAANKA BANAADIR

Dhisidda Golaha Deegaanka Banaadir ayaa u baahaan in fiiro gaar ah ah la siiyo, lana darso ugeedadda loo abuuray. Gole kasta oo la abuuraahi wuxuu leeyahay ujeedo siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid bulshadeed. Waxaa is weydiin mudan waa maxay ujeedada laga leeyahay dhismaha golahaan, mase yahay mid u adeegaya danaha deegaanka Banaadir?

Si looga jawaabo suaalaha kor ku xusan, waxaa lagam maarmaan ah in dib loo eego dhacdooyinkii keenay dhismaha Golaha iyo marxaladihii uu soo maray.

Golaha waxaa dhismihiisa hormuud u ahaa Muuse Suudi yallaxow, Maxamed Qanyare, iyo Cabdiqaasin Salaad Xasan. Waxaana loo abuuray in lagu mucaarado magacaabidda Cadde Xasan "Gaabow" ee Dowladda Federaaliga ah.

Markii lagu heshiin waayey sidii loo qeybsan lahaa xubnaha Golaha ayaa Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed Qanyare iskaga baxeen qabanqaabada Golaha.

Howshii Golaha waa la sii waday, Waxaana la dhisay Gole Deegaan.Waxaa Maxamed Cumar "Tooto" loo doortay Gudoomiyaha Golaha. Wuxuu Goluhu ka gaabsaday magacaabidda Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa Magaalda Muqdisho.

Kadib dagaaladii ay iskaga horyimaadeen Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada iyo Maxkamadaha hubeysan ayaa Maxamuud Cumar Cadaan, Daahir Aweys iyo Indha Cadde ku soo biireen qabanqaabada Golaha. Waxaa dib loo dhaariyey Cadde Gaabow oo horey Goluhu u diidanaa

Waxaa cad in dhismaha Goluhu uusan aheyn mid loogu adeegayo danaha bulshada gobolka, Balse uu yahay hartan siyaasadeed oo ka dhexeeya Dowladda Federaaliga, Siyaasiyiinta Muqdisho, Wasiirada hubeysan iyo Maxkamadaha hubeysan.

Waxaa hubaal ah in uusan dhamaan loolankii loogu jiray gacan ku heynta Gobolka Banaadir. Waxaa is badelay oo kaliya qaabka iyo xeeladaha la adeegsanayo si loo hantiyo maamulka Gobolka.

Wali lagama waantoobin dibindaabyadii lagu hayey dadka iyo deegaanka Banaadir. 16kii sano ee baaba'a iyo burburka na badayna ma noqon kuwo lagu waano qaato

Taariikhdu waxay na bareysaa in isbedel siyaasadeed iyo mid bulshadeed uusan dhicin ilaa dadka ay khuseysaahi u kacaan danahooda. Xil wayn ayaa ka saran beelaha Banaadiriga sidii ay u badbaadin lahaayeen dadkooda iyo deegaankooda oo noqday waddo halaq mareen. Xaaladda Muqdisho manta ka taagan waa "Ciddina uma maqna Ceelna uma qodna".

Maxamedbanaadir@hotmail.com

home - objectives - about us - history