- Horumarka
- history
- News
- Events
- Opinion
- Suugaan

 

Dugsiga H/dhexe ee Dhame Yaasiin Cartan oo
maanta dayactir lagu bilaabay

Maamulka Degmooyinka Maka iyo Madiina ee hoos taga maamulka wasiirka Ganacsiga dowladda Federalka Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow, wuxuuna iskuulkani yahay iskuullada ugu caansan ee ka dhisan degmada Madiina, waxaana lagu magacaabaa iskuulkan Dugsiga H/dhexe ee Dhamme Yaasiin Cartan.

Guddoomiyaha maamulka Degmada Madiina Cali Sheekh Xasan ayaa saxaafadda saakay u sheegay in iskuulkan uu ka kooban yahay 27 fasal, toban musqul iyo xafiisyo, wuxuuna cabbirkiisa ku sheegay inuu yahay 100 X 100, isagoo xusay in howsha dayactirka ay tahay mid ay maamulka degmada Madiina oo kaliya bixiyeen.

"Ma jirto wax aan weydiinay dadka deegaanka iyo ganacsatada, balse haddii loo baahdo iyagaaba diyaar u ah inay qeyb ka qaataan" ayuu yiri Cali Sheekh Xasan oo sheegay in howsha dayactirka ay soconeyso muddo labo bilood ah.

Sidoo kale wuxuu Sheegay guddoomiyaha Maamulka Degmada Madiina Cali Sheekh Xasan inuu rajeynayo inuu iskuulkan wax weyn ka tari doono horumarinta waxbarashada dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanka Maka iyo Madiina, wuxuuna xusay inuu yahay iskuul caan ah oo ay ka aflaxeen dad fara badan oo haatan ku nool gudaha iyo dibadda dalka.

Mar uu ka hadlayey dhinaca waxbarashada iskuulkan in maamulkiisu u qorsheeyay inuu wax khidmad ah ka qaado iyo in kale, waxa uu sheegay inuu rajeynayo inaysan jiri doonin wax lacag ah oo shuruud looga dhigayo waxbarashada ardayda, wuxuuna noqon doonaa ayuu yiri mid ay caruur badan oo aan maanta haysan waxbarasho ay fursad u heli doonaan inay ka faa'iideystaan, wuxuuna ugu baaqay waalidiinta ku dhaqan deegaankaas inay gacan ka geystaan wax ka qabashada dib u dayactirka iskuulkan iyo inay caruurtooda u diyaariyaan inay camiraan fasallada iskuulka oo ka kooban 27 fasal.

"Ma jirto hay'ad naga taakuleysay dib u dayactirka goobaha muhiimka ah ee waxbarashada gaar ahaanna iskuulkan Dhamme Yaasiin Cartan, waxaana ku tashanaynaa maalkeena iyo muruqeena" ayuu yiri Md. Cali Sheekh Xasan oo saxaafadda kula hadlayey gudaha iskuulkaasi oo ay haatan ka socoto howlaha dayactirka iskuulka.

Maamulka hoos taga Muuse Suudi wasiirka Ganacsiga ayaa haatan u muuqda mid si weyn ugu tafaxeytay inuu wax ka qabto goobaha muhiimka ah ee bulshada gaar ahaanna dhinaca waxbarashada oo ay bulshadu u qabto baahi aad u weyn, waxaana toddobaadkii hore dhammaadkiisii sidaan oo kale dayactir lagu bilaabay dugsiga H/dhexe ee degmada Balcad ee hoos taga maamulka Muuse Suudi, taasoo ay ka qeyb qaadanayaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, gacanna ay ka heli doonaan maamulka Muuse Suudi.

home - objectives - about us - history