- Horumarka
- history
- News
- Events
- Opinion
- Suugaan

 

Cambaareyn dadkii ka dambeeyay dilkii Gaashaanle dhexe Abuukar Dheere.

March 19, 2006

Ururka wacyigelinta Banaadirta Cusub oo aad iyo aad uga tiiraanyeysaysan dilka waxuushnimada ah ee loo gaystay Gaashaanle dhexe Abuukar Maxamed Xuseen "Abuukar Dheere" wuxuu cambaaraynayaan waxmagaratada ka dambaysay falkan foosha xun leh.

Ururku wuxuu xusay in ay arrintan tahay mid liddi ku ah jiritaanka dadkeena, maadaama aqoontu ay tahay furaha nolosha waxaa noo cad in duullaan lagu yahay jiritaanka umadda Soomaaliyeed khaasatan dadka deegaanka banaadir, mar haddii uu socdo ugaarsi u khaas ah Saraakiisha, aqoonyahannada, waxgaradka iyo dhammaan shakhsiyaadki aqoonta u lahaa hanashada aayaha umaddan ka daashay colaada iyo dhibaatada. Sidaa daraadeed ururku wuxuu ku boorinaynaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed khaasatan dadka deggan deegaanka banaadir, duubabka, culumaauddiinka, siyaasiyiinta, ganacsatada, aqoonyahannada, waxgaradka deegaanka banaadir meel walboo ay joogaan iney ka dhiidhiyaan qatarta kana hor tagaan iyagoo isticmaalaaya hab nabadeed.

Ugu dambayntii Ururka Wacyigelinta Banaadirta Cusub Wuxuu uga tacsiyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed khaasatan qoyskii uu ka geeriyoodey,

1) Marxuun Gaashaanle dhexe Abuukar Maxamed Xuseen "Abuukar Dheere".
In Uu Ilaahay ka samir siiyo, Marxuumkana Jannadii Fardawsa uu ka waraabiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin.

Ururka Wacyigelinta Banaadirta cusub
Toronto, Canada.

home - objectives - about us - history