![]() |
|||
|
|
||||||||
|
||||||||
|
LANTA AF SOOMAALIGA EE BBCda WAA KANSAR (KANSAR).
Maantana Idaacada BBCda laanta Af Soomaaliga waa KANSAR ku dhex jira
Ummadda Soomaaliyeed dhibaato xoog leh ku haaya. Kansarkana daawadiisa
waxay tahay oo kaliya in la gooyo. Ldaacada Laanta Af Soomaliga ee BBCda
waa Kansar fadhiya Londan, England, sida kaliya oo lagu goyn karana
waxay tahay in Soomalida meel kasta ay degan tahay in ay 1- In la gooyo
(boycott) dagaysigeeda. 2. Mudaaharaado la qaban qaabiyaan lid ku ah
idaacada BBCda. 3- in loo qoro warqada (petition) madaxda BBCda. Faalooyinka ama wareysiyada ay sameyso Idaacada BBCda ma aha kuwo dhexdhexaad ee kuwo dhinac u badan (bias) inkasto ay ku andacooto in idaacada ay tahay mid dhexdhexaad ah taasna waa wax lagu qoslo. Doorka ay idaacada ka ciyaartay dhibaatada Soomaaliya waa mid aad iyo aad looga xumaado lagana yaqyaqsoodo sababto ah sida ay wararka u sheegaan oo ah mid sababta in ay ku dhintaan dad ay u badan yihiin caruur, dumar iyo waayaal. Madama ay wariyayaasha iyo caruurtooda ay joogaan dul nabad ah dan ka malaha dadka Soomaaliyaa ee ku dhimanaayo dagaal ay oogayaan London, UK.
Tan kale oo cadaynaysa in wariyayaasha ayna dhexdhexaad ahayn waxaa lagu garan karaa inta ay joogaan idaacada maahine inta kale ay ku dhex jiraan qabiiladooda ama reerahooda mid kastana wuxuu la yimaadaa idaacada waxaa isaga iyo dadka uu la nool yahay ay aaminsan yihiin taas oo lagu garan karo waraysiyaasha ay sameeyaan. Waxaan kale ay wariyayaasha qaarkooda ay halmaameen in ay Soomaali
yihiin sida lagu arkayba Waqooyiga Ameerika dad ayaa markii jinsiyado
cusub ay qaateen halmaameen Soomaalinimadi sida wariyayaasha BBCda ay
uga qayb qaateen burburka Soomaaliya. Wariyayaasha waxay kale helmaamsan
yihiin in Soomaaliya ay ku dhasheen, ku koreen, wax ku barteen, welina
reerahood ay jiraan. Waxaad arkayasa in wariyayaasha ay halmaan in bari
xisaab ay jirto Ilaah (SWT) uu beri la xisaabtamidoona. Ilaah(swt) wuxuu
quraankiisa kariimka ah ku yiri dhibaato laysugu gaysto afka uu ka xun
tan laysugu gaysto xabada. Ugu dambayntii, waxaa ku talin lahaa haddii Idaacada laanta af Soomaalida ee KANSARKA AH ayna wax ka bedelin sida ay akhbaarta u gudbinayso: koow, in qofkii danaynaayo arrimaha Soomaaliya ayna waraysi siin idaacada. Labo, in la abuuro idaacad kale oo la baratanto BBCda oo dhexdhexaadna ka ah arrimaha Soomaaliya ah sababto ah idaacada BBC waxay dadka haystaa manopoli (monopoly). Hadii idaaco kale la abuuro, waxaa hubaal in ay wax ka bedeli lahaayeen sidii ay wararka u tabiyaan wixii ay rabaana iskama sheegi karayn. Seddex, in la qaadhaco (boycott) oo aan la dhagaysan idaacada iyo in qoraalo loo qoro maamulka idaaca oo loona sheego wariyayaasha ayna dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya ayna ku turjumaan arragtida ka jirta meesha ay ka yimideen iyo qabiilka ay ka soo jeedaan. Wixii faafaahin la xiriir Dr. Abukar Moallim |
|
|||||||
|
home - objectives - about us - history |
||||||||