![]() |
|||
|
|
||||||
|
||||||
|
Xarunta SUBIYA DEVELOPMENT VOLUNTEERS ORGANIZATION iyo Somaliska informatoin ee Dalka Sweden oo iska kaashanaaya Dayactirka Dugsiga Hoose Dhexe ee Balcad
Wuxuu kaloo sheegay Mudane Yaasin Maahi in qorshaha ugu jirto Ururkiisa oo la kaashan doono beesha caalamka iyo Dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha Joogo dib u habayn lagu samayn doono Cisbitaalka Balcad. Magaaladda Balcad oo ay ku nool yihiin in badan 35,000 oo qof ayaan lahayn wax cisbitaal ah o u shaqeeya danyarta ku dhaqan Magaaladda balcad. Dayactirka Dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe oo ka koobnaan doono labo qaybood ayaa la filayaa in uu bilowdo dhowaan iyadoo aan halkan idinka soo socodsiin doono wixii horumar ah iyo howsha meesha ay marayso, iyadoo warbixin bila ah ay na soo siin doonto Madaxa Xarunta SUBIYA DEVELOPMENT VOLUNTEERS ORGANIZATION Drs. Aini Abukar Ga'al. Fadlan halkan ka daawo sawiradda ku tusaya qorsha cusub ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Balcad iyo xaaladda u dugsigu hadda ku sugan yahay. Cid Allah cidii rabto in ay wax ka ogaato ama rabto in ay gacan ka gaysto, fadlan ha nagala soo xiriirto Ururka Waciglinta Banaadirta Cusub (email info@newbanadir.com) ama Gudoomiahaha Somaliska informatoin foreningen ee Dalka Sweden Mudane Yaasin Maahi (email: daryeel@balcad.com) ama Madaxa Xarunta SUBIYA DEVELOPMENT VOLUNTEERS ORGANIZATION Marwo Aini Abukar Ga'al (email:ainigaal@hotmail.com) |
|
|||||
|
home - objectives - about us - history |
||||||