- Horumarka
- history
- News
- Events
- Opinion
- Suugaan
- Qoraalo

 

Ururka New Banadir iyo Jaaliyado ku dhaqan dibadah oo ku baaqay in dhamaan la joojiyo dirita Sii-sii iyo Fagax ka Sacota.

May 15 2006 - Waxaa isa-soo taraya baaqayada nabad doonka ee weli soo gaaray Radio Banadir, waxaaan kuwood ugu danbeeyay ay naga soo gaareen ururka wacyi-gelinta Banadirta Cusub oo saldhigiisu uu yahay dalkaCanada.

Afhayeen uu hadlay ururkaasi oo ku sugan magaalada muqdishu ayaa sheegay in ay si weyn u dhiirgilinayaan dhaqdhaqaaqayada ay wadaan odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Muduloodlagu oo ku howlan in ay joojiyaan xabada iyo dagaalada ka socoda degaanada u dhaxeeyay Sii-sii iyo karaan.

Afhayeenka New Banadir ayaa sheegay in ay texigeliyaan xabad joojinta ay ku dhawaaqeen kuwa nabadadoonka ah ee ka tirsan beesha, waxaana uu ku ceceliyay muhimada ay nabadu ay u leedahay guudahaan bulshada gobolka Banadir gaar ahaan kuwa ku nool degaanada Sii-sii.

Dhinaca kale waxaa baaqyo kaasi la mid ah soo diray qaarka ka mid ah Jaaliyada Mudulood ee ku dhaqan dalka Denmarka kadib markii ay qadka teleefoonka ay kula soo xiriireen Radio Banadir.

Baaq iyo soo dhoweyn xabadjoojinta lagu dhawaaqay Muqdisho.

14ka May 2006

Ururka SCG waxay soo dhoweynayaan xabadjoojintii ay waxgaradka reer Muqdisho ku
guuleysteen maanta iyo dadaalkii ay ka sameeyeen sidii loo joojin lahaa xabadda. SCG
waxey ku dhiirigelineysaa waxgaradkii soo abaabulay arrintan inay sii wadaan dadaalkooda si aysan mar kale dib uga bilaaban dagaal magaalada Muqdisho.

Ururka SCG waxay tacsi u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabaddii shacabkii ku
geeriyooday dagaalka, waxaana EEBBE uga baryeynaa shaqsiyaadkii ku dhaawacmay inuu u fududeeyo soo kabasho deg-deg ah, siiyana caafimaad waara.

SCG waxey baaq u soo jeedineysaa labada garab ee dagaaladu dhex maray inay si shuruud la'aan ah u joojiyaan, kuna dadaalaan inaan dagaalku soo noqon. Hana ogaadaanno inuu xil ka saaran yahay sidii lagu badbaadin lahaa dhiigga shacabka soomaaliyeed iyo inay mas'uul ka noqdaan dagaalka iyo khasaarahiisaba, sida dhimashada, dhaawaca, barakaca iwm.
Hay'adaha civil society iyo aqoon yahannada soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho waa inay cilmi baaris buuxda ku sameeyaan falalka noocan oo kale ah, kana diyaariyaan warbixin dhab ah si looga hortago falal noocan oo kele ah inay soo noq noqdaan.

SCG waxey ka codsaneysaa caalamka inay si deg-deg ah ula soo gaaraan kaalmo magaalada Muqdisho, iyo in caalamku uu faragelin buuxda ku soo sameeyo xaaladda waddanka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Mr Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Guddoomiyaha ururka Somali Concern Group

home - objectives - about us - history