![]() |
|||
|
|
||||||
|
||||||
|
Baaq Xabadjoojin Annagoo ku hadleyno magaca Jaaliyadda Mudulood ee ku nool Waqooyiga
Amerika waxaan aad iyo aad uga xunnahay dagaalka Allah ka fogaanshaha
ah ee beryahan ka socday Waqooyiga magaalada Muqdisho oo dadweynaha
u geystay dhimasho, dhaaawac iyo barakac aad u farabadan, saa darteed
waxaan ugu baaqeynaa labada kooxood ee dagaalka isaga soo horjeeda in
ay si shuruud la'aan ah u joojiyaan dagaalkooda ayna oggolaadaan xabbad
joojin degdeg ah kuna dhammeeyaan khilaafkooda wadahadal iyadoo la raacayo
baaqyada nabadeed ee loo jeediyay gaar ahaan in ay u dhega-nuglaadaan
dadaalka iyo gogosha ay u fidiyeen walaalahood Mudulood ee ku shirsan
Mowlaca Shekh Muxudiin Celi. 1. Dr. Maxamed Cali Nuur |
|
|||||
|
home - objectives - about us - history |
||||||