|
BAAHIDA LOO QABO MAAMUL GOBOLEEDKA
BANADIR
W.Q Eng. Muse Abdulle
Daily88mey@hotmail.com
|
|
Dagaaladii lala galay
dowladii uu madaxda ka ahaa General Mahamed Siyad ka hor, Somaliya waxay
aheyd wadan hal magaalo ah "Mogadishu" (City State), marka loo
eego xaga horumarka, dhaqaalaha iyo dadka ku nool intaba.
Dagaaladii sokeeye
ee wadanka ka dhacayna waxaa ku baaba'ay Somaliya guud ahaan, gaar ahaan
magaalada Mugadishu, waxaana gebi ahaan burburay ama dad shaqsiyaada
gacanta u galay ilihii dhaqaalaha sida: (diyaaradihii, maraakiibtii,
warshadihii yaryaraa, dukaamadii farshaxanka, doomihii kaluumeysiga,
qalabkii beeraha iyo beerihii dowlada iwm). Waxaa iyana burbur aada
loo geystay kaabayaashii dhaqaalaha sida: (garoomadii diyaaradaha, dekadii
weyneyd ee Xamar, wadooyinkii, ceelashii biyiha, Xoogii korontada iyo
buundooyinkii iwm).
Waxaa hadaba cadaana in Somaliya ka burburtay dhinac kasta maadaama
waxwalba oo dalkaasi lahaa yaaleen inta badan caasimada. Dadweyne aad
u fara badana waxaa laga barakiciyay guryahoodii, hantidoodiina waa
laga xilwareejiyay. Waxaana soo baxay erayo ay ka mid yihiin "ANAA
XOREYSTAY" ama "ANAA QABSADAY" waana erayo
xaq duudsi ah oo hantida ummada lagu xalaaleysanayo.
Dagaaladii dowladii Siyaad Bare lagu riday gaar ahaan kii USC-du wuxu
lahaa ujeedo qarsoon oo dadka qaar wateen, arrintaas ayaana loo aaneeyaa
foolxumadii ka dhacday magaalada mugdisho kadib dhicitaankii dowladii
Mahamed Siyad iyo weliba xaalada qalafsan oo manta ka jirta.
Guud ahaan ummada Soomaaliyeed waxaa laga xayubiyay madaxbananidii,
qaranimadii iyo xoriyadii shaqsiga, dadka reer mugdisho haba ugu badnadeene.
Haddaba waxa fajaciso ku noqotay shacabka Soomaaliyeed in dhibaatada
intaa la'eg aysan geysan cadow shisheeye oo dalka ku soo duulay, balse
loo adeegsaday dad Soomaaliyeed oo aan garan Karin dhibaatada ay geysanayaan
inta ay la'egtahay iyo miraha ka dhalan kara ficiladooda arxan li'ida
ku dhisan.
Dhibaatooyinka joogtada ku noqday dadka reer banaadir oo ay meelna uga
baxsan waayeen waxaa ka mida: dilka aan loo meel dayin, dhaca joogtada
ah, jidgooyada meelkasta taal iyo dhaawaca iyo dhimashada kaga timaad
hardamka loogu jiro gacan ku heynta deegaanadooda, oo aad moodid in
ay marti ka sii noqonayaan maalinba maalinta ka danbeysa.
Bushoweynta banaadir oo sharci ku noolka ahina waxay ka quusteen nolosha
guud ahaan mar haddii deegaankoodi yahay goob dagaal joogta ah ka jiro,
iyadoo hubka noocyadiisa kala duwan loo adeegsado magaalada dhexdeeda,
xirfad iyo camalna ay noqdeen dhac iyo jidgooyo, waxbarasho iyo caafimaadna
iyaga warkooda daa.
Reer Banadirna waa ku dulman yihiin deegaanadooda wax xushmad iyo sharaf
ahna kuma heystan, waana la iman waayeen xoog ama xeelad lagu furdaamiyo
xaalada guracan ee ka jirta deegaanadooda mudadii 16ka sanno aheyd ee
la soo dhaafay.
Waxaa iyana ayaan
daro ah in dhibaato joogta ah oo aan ka liidan tan lagu haayo ay dhexdooda
ka jirto, mararka qaarna dadweynuhu kala garan waayaan kii deegaanka
u dhashay iyo kii socodka ku yimid dhaqankooda oo isku mida awgeed.
Arrimahaas aan hor
ku soo xusay iyo kuwo kale oo aan haleeli waayay awgood waxa deegaanka
reer Banadir ka muuqda dayac iyo habacsanaan aad u baaxad weyn oo aan
indhaha laga qarsan Karin. Taas ayaana soo dedejineysa baahida loo qabo
in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu guntado maamul suga nabadgelyada,
dadka deegaankuna ku mideysan yihiin oo ka hana qaada deegaanka banadirta
cusub. Waxaan qabaa in la soo gaaray waqtigii ay u istaagi lahaayeen
waxgaradku meelmarinta himilooyinka kor ku soo xusan.
Waxaa xusid mudan in aayo ka talinta ummad walba ay tahay waajib saaran
dadkooda waxgaradka ah. Bulsh walba oo aduunka saarana waxay xaq u leedahay
iney ku noolaato nabad, xasilooni iyo madaxbannaani buuxda, reer Banadirna
kama duwana. Waxaa ila haboon in wado kasta loo maro meel marinta Banadir
State.
Xadaarada iyo Wadaniyada
oo ku weyn awgeed reer banadir waxay quud-dareynayeen in xaaladu isbedeli
doonto oo mar uun dowlad Soomaaliyeed oo ammaanka hanata la heli doono,
hayeeshee isku day badan oo lagu wadey in lagu unko dowlad dhexe ayaa
lagu guuldareystay. Waxaadna moodaa in dadka Soomaaliyeed badanaa ka
tashadeen dowlad dhexe oo ay ku tiirsanaadaan, dadkoodana waxay u abuureen
maamul goboleedyo, nolosha dadka guud ahaan wax ka qabta.
Haddaba waxaa muuqata in arinku yahay "NIN WALBOW MADAXAAGA
MEYRAX KU DUUBO" oo cidwalba u istaagtay sidii ay dadkeeda
iyo deegaankooda maamul nabadgelyada dammaanad qaada uga curin lahayd.
Waxaa haddaba in
leysweydiiyo mudan: Muddo intee la'eg ayaa dadweynuhu xaaladan ku sii
jiri karaan? Yaase laga sugaa in ay xaalada nololeed ee reer Banadir
wax ka bedelaan? Waxay ila tahay in jawaabaha su'aalahaani caddan yihiin,
runtuna waa in xaalada maanta Mugadishu taal tahay "CIDNA UMMA
MAQNA CEELNA UMAA QODNA" waxaana lagama maarmaan ah in dadka
deegaanka u dhashay oo dhibaatada ummada heysataa dhibeyso u istaagaan
ka samatabixinta masiibada dabada dheeraatay ee ku habsatay Banadir.
Waxaan aaminsanahay in waqtigu uu haboonyahay, xaaladuna ay saamaxeyso,
Banadir state-na uu mudan yahay ku dhawaaqid iyo dhaqan gelin.
Wabilaahi Towfiiq
|